Liverpool ayaa qorshaynaysa in ay jabiso rikoorkii abid ugu fiicnaa ee gooldhalinta England.

Reds ayaa u safri doonta kooxda Watford iyadoo dhalisay ugu yaraan seddex gool mid kasta oo ka mid ah lixdii kulan ee ugu dambeysay oo ay marti ahaayeen tartamada oo dhan – waxay ka hor yimaadeen Burnley, Norwich City (labo jeer), Leeds United, Brentford iyo Porto.

Si kastaba ha ahaatee, ma jirto koox kubada cagta Ingariiska ah oo waligeed dhalisay seddex gool todobo kulan oo isku xigta tartamada oo dhan.

Liverpool ayaa ah kooxda ugu goolasha badan Premier League xilli ciyaareedkan iyagoo dhaliyay 17 gool, laakiin guuldarro 3-0 ah ayaa soo gaartay markii ugu dambeysay oo ay booqdaan Watford bishii Febraayo 2020.

Kulankan waa kulankii ugu horreeyey ee Claudio Ranieri uu hoggaamiyo Hornets, kaasoo fadhiya booska 15 -aad.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here