Kooxda Leicester City Ayaa Galabta Garoonkeeda King Power Stadium waxay Ku Ceebeesatay Xidigaha Manchester United kadib Ciyaar Ku soo dhamaatay 4-2.

Leicester City ayaa ka daba timid Manchester United oo gool kala  hormartay, waxaanay ugu beddeleen laba ka hor intii aanay Red Devils helin gool daqiiqaddii xigtayba laga daba yimid.

Mason Greenwood ayaa hoggaanka u dhiibay Manchester United daqiiqaddii 19aad, kaddib markii uu kubbad kala soo galay dhinaca midig, kaddibna ku hagaajista lugta bidix isagoo taagan bannaanka xerada ganaaxa, taas oo uu ku liishaamay gantaal uu goolhaye  Kasper Schmeichel joojin kari waayey.

Leicester City ayaa culays saartay Manchester United kaddib goolka laga dhaliyey, waxaana difaacyahannada Red Devils nasashada u diiday Jamie Vardy iyo Iheanacho oo orokooda adeegsanaya.

Weeraryahanka reer Nigeria ee Iheanacho ayaa kubbad uu kubadda ka timid David de Gea waxa uu ka boobay Harry Maguire oo si caajis ah u sugayay, waxaanu u sii dhiibay Tilemans oo isaguna ka dul-qaaday goolhayaha reer Spain, sidaana goolka barbarraha ugu keenay kooxdiisa.

Maddison ayaa dhawr kubbadood oo halis ah ku toogtay goolka Manchester United laakiin goolhaye De Gea ayaa feejignaan u lahaa, halka Iheanacho uu isaguna ku dhowaaday inuu qaybta horeba shabaqa soo taabto.

Ciyaarta ayaa gashay afar daqiiqadood oo musalsal ah oo ay Leicester City ku dhalisay laba gool, mid kalena ay dhashatay Manchester United.

Leicester City ayaa daqiiqaddii 78aad uu gool u dhaliyey difaaca reer Turkey ee Söyüncü oo shabaqa dhex dhigay kubbad uu ka helay Ayonzo Perez, laakiin Marcus Rashford ayaa daqiiqaddii 82aad saxeexay goolka barbarraha oo ahaa mid qurux badan oo uu goolhayaha la hortegay.

Daqiiqaddii xigtay ee 83aad ayay Leicester City mar kale hoggaanka ciyaarta qabatay, waxaana gool saddexaad u dhaliyey Jamie Vardy. Goolkan ayaa ahaa midkii 7aad ee Vardy uu xilli ciyaareedkan dhaliyo, waxaanu soo qabtay Mohamed Salah oo maanta hal gool dhaafay.

Waqtigii dheeraadka ahaa ee ciyaarta lagu daray ayay Leicester City la timid goolkeeda afraad ee ciyaarta waxaana u saxeexay Patson Daka, sidaas ayaanay ciyaartu ugu soo dhamaatay 4-2.

Leicester City ayaa soo gashay kaalinta 11aad ee horyaalka Premier League iyadoo yeelatay 11 dhibcood halka Manchester United ay usoo dhacday kaalinta shanaad iyadoo haysata 14 dhibcood.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here