Wakiilka Raphinha ayaa shaaca ka qaaday in Liverpool ay xiiseyneyso weeraryahanka Leeds United .

24-sano jirkaan, oo looga yeeray xulka Brazil ee ugu dambeeyay, isagoo wacdaro ka dhigay tan iyo markii uu yimid Oktoobar 2020, isagoo dhaliyay sagaal gool isla markaana diiwaangeliyay sagaal caawin 38 kulan oo uu saftay tartammada oo dhan.

Liverpool iyo Manchester United ayaa labadoodaba lala xiriirinayay xiddiga reer South America xagaagii, ciyaaryahankii hore ee Barcelona iyo Chelsea Deco , oo matala Raphinha, ayaa sheegay in kooxda Jurgen Klopp ay isha ku heyso.

“Xaqiiqdii waxaa jira kooxo badan oo xiiseynaya isaga,” Deco ayaa u sheegay Globo . “Liverpool way jecel yihiin isaga, waxaana jiray qaabab, laakiin ma jirin wax rasmi ah, Leeds waxay dooneysay inay sii haysato xilli ciyaareed kale.

Raphinha ayaa ku bilowday ololihii 2021-22 qaab ciyaareed cajiib ah inkasta oo kooxdiisu ay daalaa dhaceyso, hadana waxa uu shabaqa soo taabtay seddex jeer todobo kulan oo Premier League ah.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here