Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa qirtay inuusan ‘u xaqiijin karin’ Raheem Sterling inuu heli doono kaalin muhiim ah kooxda bilaha soo socda.

26 jirkaan ayaa qandaraaskiisa haatan ee Etihad Stadium wuxuu dhacayaa June 2023, waxaana loo maleynayaa in wadahadaladii labada dhinac la hakiyay.

Sterling ayaa shaaca ka qaaday inuu u furan yahay inuu ka tago Citizens mustaqbalka dhow, iyadoo loo malaynayo inay xiiseynayaan kooxaha Barcelona , Arsenal iyo Newcastle United .

Guardiola ayaa ku rajo weyn in xiddiga reer England uu sii joogi doono kooxda muddo dheer, laakiin tababaraha reer Spain ma ballan qaadi karo weeraryahankii hore ee Liverpool inuu heli doono xaddiga bilowga ah ee uu doonayo.

“Raheem waa ciyaartoygeena waxaana rajeynayaa inuu noo noqon doono ciyaaryahan si aad ah muhiim noogu ah,” ayuu Guardiola u sheegay suxufiyiinta. “Ciyaartoyda qaar waxay rabaan inay ciyaaraan mar walba laakiin ma xaqiijin karo taas”.

Sterling ayaa dhaliyay hal gool halka uu caawiye ka noqday 10 kale oo uu u saftay Citizens xilli ciyaareedkan.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here