Photo@Reuters

Mohamed Salah ayaa talaabo u qaaday si uu heshiis cusub ugu saxiixo kooxda Liverpool sida lagu sheegay warbixinta ugu danbeesay ee kooxda kasoo baxda.

Qandaraaska xidiga Masaarida ee Anfield ee haatan wuxuu soconayaa ilaa 2023 waxaana isbuucyadii la soo dhaafay la isla dhexmarayay mustaqbalkiisa iyadoo aan miiska loo saarin heshiis cusub.

Real Madrid iyo Paris Saint-Germain ayaa labadoodaba lala xiriirinayay inay u dhaqaaqayaan Salah , kaasoo dhaliyay goolkiisii ​​100aad ee Premier League bishii hore.

Sida laga soo xigtay Football Insider , Liverpool ayaa haatan isku diyaarineysa inay 29 jirkaan u soo bandhigto heshiis cusub oo uu ku qaadanayo 350 kun ginni isbuucii waxaana ay doonayaan inay heshiis gaaraan ka hor inta uusan furmin suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.

Warbixinta ayaa intaas ku dartay in Salah uu aad u doonayo in qandaraaska cusub uu sii socdo illaa 2026, markaas oo uu noqon doono 34 jir.

Heshiiska ayaa ka dhigaya weeraryahanka mid ka mid ah xiddigaha ugu mushaarka badan kooxda, waxaana ka horreeya Alisson , Virgil van Dijk iyo Trent Alexander-Arnold , oo dhammaantood dhawaan saxiixay qandaraasyo cusub oo lacag badan ah.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here