Photo/Reuters

Madaxweynaha Lille Olivier Letang ayaa sheegay in Renato Sanches uu awoodi doono inuu ka tago kooxda reer France bisha Janaayo ama dhamaadka xilli ciyaareedkan “haddii dalab koox weyn uu yimaado”.

Xiddiga reer Portugal ayaa si aad ah loola xiriirinayay inuu ka tagayo Lille xagaagii, laakiin suuqa kala iibsiga ayaa xirmay iyadoo ciyaaryahanka khadka dhexe uu weli ku sugan yahay Stade Pierre-Mauroy.

24 jirkaan ayaa la dhibtoonayay dhaawac jilibka ah xilli ciyaareedkan, isagoo saftay labo kulan oo kaliya, laakiin wuxuu ka soo muuqday kulankii ugu dambeeyay ee kooxdiisu la yeelatay Marseille ka hor fasaxa xulalka.

Liverpool ayaa weli la rumeysan yahay inay xiiseyneyso Sanches, Letang ayaana xaqiijiyay in Xidiga reer Portugal uu weli diyaar u yahay Suuqa kala iibsiga sannadka 2022 -ka.

Heshiiska uu Sanches kula jiro kooxda Lille ayaa dhici doona xagaaga 2023 -ka.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here