Manchester City weeraryahankeeda  Ferran Torres ayaa laga saaray Garoomada ilaa lix isbuuc ah dhaawac dartiis.

21 jirkaan ayaa lagu qasbay inuu garoonka ka baxo ka dib markii uu labo gool ka dhaliyay Spain semi-finalka Nations League oo ay la ciyaareen Italy isbuucii hore, laakiin markaas ayaa loo arkay inuu taam u yahay inuu finalka ku bilowdo France.

Si kastaba ha ahaatee, Torres ayaa mar kale la badalay sababtuna ay tahay dhibaatada waxaana uu haatan dib ugu soo laabtay Manchester si uu baaritaan ugu sameeyo.

Sida laga soo xigtay BBC Sport, weeraryahanka ayaa ka jabay lugta midig waxaana laga yaabaa inuu maqnaado ilaa dhammaadka bisha November.

Tani waxay ka dhigan tahay inuu seegi doono dhowr ciyaarood oo muhiim u ah naadigiisa iyo dalkiisa, oo ay ku jirto kulanka Manchester derby ee bilowga bisha soo socota iyo kulamada muhiimka ah ee isreebreebka Koobka Adduunka ee Spain ay la yeelan doonaan Greece iyo Sweden.

Torres ayaa dhaliyay seddex gool todobo kulan oo uu u saftay Manchester City xilli ciyaareedkan, isagoo u ciyaaraya sidii weeraryahanka dhexe ee kooxda Pep Guardiola .

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here