Wakiilka Ansu Fati ayaa lagu soo waramayaa in uu yimid Barcelona isaga oo doonaya in uu heshiis cusub oo waqti dheer ah u saxiixo macmiilkiisa.

Kooxda reer Catalan ayaa la sheegay inay qarka u saaran tahay inay ku dhawaaqdo inay heshiis cusub oo shan sano ah la gashay Pedri , halka sidoo kale wadahadalo ay u socdaan Ousmane Dembele , Gavi iyo Ronald Araujo .

Mustaqbalka Fati ayaa sidoo kale ku jira liiska mudnaanta koowaad ee kooxda, maadaama heshiiska laacibka reer Spain uu dhacayo dhammaadka xilli ciyaareedkan, inkastoo heshiiska la kordhin karo laba sano oo kale.

Sida laga soo xigtay Marca , Jorge Mendes , oo wakiil ka ah 18-jirka, ayaa u duulay Barcelona, ​​wuxuuna wada-hadallo la yeelan doonaa kooxda ka dhisan La Liga maalmaha soo socda.

Da, yarkan oo dhawaan ka soo laabtay dhaawac jilibka ah oo muddo dheer ah ayaa dhaliyay 14 gool waxana uu diiwaangaliyay 5 caawin 46 kulan oo uu u saftay Barcelona tartamada oo dhan.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here