Wakiilka Andrea Pirlo ayaa ku andacooday in tababarihii hore ee Juventus laga yaabo inuu mustaqbalka u tartamo jagada maamul ee Barcelona .

Ronald Koeman , ayaa wali haya shaqada kooxda reer Catalan, laakiin ninka reer Holland ayaa la filayaa in laga ceyriyo shaqada tababarnimo haddii qaab ciyaareedka niyad jabka leh ee kooxda uu sii socdo toddobaadyada soo socda.

Pirlo, oo ka tagay shaqadiisii ​​Juventus bishii May, ayaa lala xiriiriyay jagada Camp Nou, taasoo noqon karta mid la heli karo ka hor dhamaadka sanadka.

Wakiilka 42 jirkaan Tullio Tinti ayaa ku adkeystay in aysan weli jirin wax wada xaajood ah oo uu la yeeshay kooxda ka dhisan La Liga ee ku aadan u dhaqaaqistiisa laakiin ‘wax walba ayaa dhici kara mustaqbalka’.

“Shaqada Barca? Wax wada hadal ah kulama jirno kooxda Laakiin yaa garanaya waxa dhici doona mustaqbalka,” ayuu Tinti u sheegay TuttoMercatoWeb .

Pirlo ayaa badiyay 34, barbaro galay 10, waxaana laga badiyay sideed ka mid ah 52 -kii kulan ee uu hogaaminayay Juventus, oo ku dhameysatay kaalinta afaraad ee Serie A xilli ciyaareedkii hore, kaliya waxay xaqiijisay boos Champions League.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here