Xulka qaranka England ayaa laga horjoogsaday fursad weyn oo ay u qaadi lahaayeen inay iska xaadiriyaan Koobka Adduunka 2022 kaddib barbarro rafaad ahaa oo ay kala kulmeen Hungary kulan ay taageereyaashu rabshad ka sameeyeen gudaha garoonka.

Kulankan oo ka dhacay garoonka Wembley ayay Ingiriisku u baahnaayeen inay guuleystaan si ay u noqdaan waddanka labaad ee Yurub ah ee usoo baxa Koobka Adduunka, hase yeeshee Hungary ayaa gool rikoodhe ah kala hormartay daqiiqaddii 24aad uu ka dhaliyey Sallai, hase yeeshee waxa goolka barbarraha u keenay John Stones isla qaybta hore, waxaanay ciyaartu kusoo dhamaatay 1-1.

Xulka England ayay u ahayd kulankii labaad ee isreeb-reebka Koobka Adduunka ah oo ay dhibco lumiyaan, laakiin waxay haystaan fursad dahabi ah oo ay ciyaartooda ugu soo horreysa ay ugu gudbi doonaan Koobka Adduunka.

Tababare Gareth Southgate ayuu xulkiisu u gudbi doonaa Koobka Adduunka 2022 12-ka bisha dambe ee November oo ay martigelin doonaan Albania, waxayse u baahan yihiin inay guuleystaan.

Dhinaca kale, xulka qaranka Portugal ayaa 5-0 ku xasuuqay Luxembourg iyadoo uu Cristiano Ronaldo dhaliyey saddex gool.

Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa laba rikoodhe ku furay ciyaarta, waxaana laba kale raaciyey Bruno Fernandes iyo Palhinha halka  uu Ronaldo mar kale kusoo laabtay gool-dhalinta oo uu goolkiisa saddexaad xaqiijistay.

Natiijooyinka kulamadii caawa ee isreeb-reebka Koobka Adduunka ee dalalka Yurub:

Kazakhstan 0 – 2 Finland

Portugal 5 – 0 Luxembourg

Serbia 3 – 1 Azerbaijan

Kosovo 1 – 2 Georgia

Sweden 2 – 0 Greece

Bulgaria 2 – 1 Northern Ireland

Lithuania 0 – 4 Switzerland

Ukraine 1 – 1 Bosnia and Herzegovina

Denmark 1 – 0 Austria

Faroe Islands 0 – 1 Scotland

Israel 2 – 1 Moldova

Albania 0 – 1 Poland

England 1 – 1 Hungary

San Marino 0 – 3 Andorra

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here