Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Wakiilka Erling Braut Haaland Mino Raiola ayaa la filayaa inuu wadahadalo la yeesho Manchester City bisha Janaayo si uu xagaaga ugu dhaqaaqo 21 jirka Borussia Dortmund iyo weeraryahanka Norway. (Thetimes)

Weeraryahanka reer England Raheem Sterling, oo 26 jir ah, ayaa doonaya inuu hubiyo inuu weli qeyb muhiim ah ka yahay qorshayaasha tababare Pep Guardiola ka hor inta uusan dib u bilaabin wadahadalada qandaraaska ee Manchester City. (thesun)

Liverpool ayaa dooneysa inay iska iibiso xiddiga qadka dhexe ee England Alex Oxlade -Chamberlain, oo 28 jir ah, laakiin kaliya qiimaha saxda ah – iyadoo ay xiiseyneyso kooxdiisii ​​hore ee Arsenal (Mirror)

Reds ayaa sidoo kale bilowday wadahadalo ay kula soo saxiixaneyso weeraryahanka reer France ee kooxda Barcelona Ousmane Dembele, oo 24 jir ah, si xor ah xagaaga soo aadan. (Mundo Deportivo)

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee England Phil Foden oo 21 jir ah ayaa ku dhow inuu heshiis cusub u saxiixo Manchester City. Heshiiskiisa haatan wuxuu dhacayaa 2024. (The Athletic)

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer France Paul Pogba ayaa ku soo laabtay raadaarka Real Madrid , iyadoo qandaraaska 28 jirkaan ee Manchester United uu ku egyahay xagaaga soo aadan. (AS)

Man United ayaa kula biirtay kooxaha Chelsea iyo Juventus tartanka loogu jiro xiddiga khadka dhexe ee kooxda Monaco iyo xulka France ee Aurelien Tchouameni oo 21 jir ah (Express)

Xiddiga garabka ka ciyaara ee Talyaaniga Federico Chiesa, oo 23 jir ah, iyo daafaca dambeedka dhexe ee Netherlands Matthijs de Ligt, 22 – oo labadooduba ka ciyaara Juventus – ayaa ka mid ah liiska bartilmaameedyada Newcastle United (Football Italia)

Daafaca Barcelona Clement Lenglet, oo 26 jir ah, ayaa noqon kara imaanshihii ugu horreeyay ee Newcastle United ka dib markii ay dhowaan la wareegeen xiddiga reer France oo la sheegay inuu yahay ciyaaryahan ay kooxdu aad u dooneyso. (Sport.es)

Ciyaartoyda Southampton ayaa filaya in la ceyriyo tababaraha reer Austria Ralph Hasenhuttl, oo 54 jir ah, iyadoo kooxda aysan weli ku guuleysan Premier League xilli ciyaareedkan. (FootballInsider247)

Daafaca dhexe ee Jarmalka Antonio Rudiger, oo 28 jir ah, ayaa qiimeyn doona dooqyadiisa ka hor inta uusan go’aan ka gaarin mustaqbalkiisa Chelsea , iyadoo qandaraaskiisa haatan uu dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedkan. (Sky Sports)

Southampton, Tottenham iyo West Ham ayaa xiiseynaya saxiixa goolhayaha West Brom iyo xulka England Sam Johnstone oo 28 jir ah (Hampshire Live)

Wakiilka xiddiga qadka dhexe ee AC Milan Franck Kessie ayaa beeniyay inuu Inter Milan kala hadlay 24-jirka reer Ivory Coast, kaasoo qandaraaskiisu dhacayo xagaaga soo aadan. (Football Italia)

Daafaca midig ee reer Spain Hector Bellerin, oo 26 jir ah, ayaa si maldahan u sheegay inuusan doonayn inuu ku laabto Arsenal marka uu dhammaado amaahda uu ku joogo Real Betis (DialyMail)

Leeds United ayaa ku dhow inay la soo wareegto 17 jirka reer Spain ee weerarka uga ciyaara kooxda Espanyol Mateo Joseph Fernandez. Leeds ayaa ku yaboohday £ 450,000, laakiin Espanyol ayaa doonaysa £ 1m. (Teamtalk)

Real Madrid ayaa dooneysa inay dib ugu soo celiso Bernabeu daafaca dambeedka midig ee reer Spain Sergio Reguilon oo 24 jir ah ka hor xilli ciyaareedka soo aadan. ( Express)

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here