Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Juventus ayaa u soo bandhigi doonta Fiorentina xidiga Dejan Kulusevski  si ay isugu dayaan inay hoos u dhigaan qiimaha Dusan Vlahovic. Corriere dello Sport 

Barcelona ayaa ku kalsoon in Heshiisyada Cusub ee Ansu Fati iyo Pedri lagu dhawaaqidoono dhawaan Goal

Newcastle ayaa isku diyaarineysa inay bisha Janaayo dalab ka gudbiso Celement Lenglet, sida ay qortay Sport .

Juventus ayaa dooneysa inay iska iibiso Adrien Rabiot bisha Janaayo maadaama ciyaaryahanka khadka dhexe uusan awoodin inuu soo jiito tababare Massimiliano Allegri. Kooxda ka ciyaarta Serie A ayaa rajeyneysa inay keensato xiddig kale oo khadka dhexe ah Calciomercato.it

Barcelona ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo Fabio Blanco bisha Janaayo, Kooxda reer Catalan ayaa xiiseyneysay 17 jirkaan garabka ka ciyaara ka hor inta uusan ka tagin Valencia kuna biiray Bayer Leverkusen Sport 

Newcastle ayaa qarka u saaran inay u dhaqaaqdo Wesley Fofana, sida laga soo xigtay  RMC .

Atletico Madrid iyo Paris Saint -Germain ayaa labaduba isha ku haya xiddiga qadka dhexe ee Inter Nicolo Barella – sida laga soo xigtay Calcio Mercato .

Alexandre Lacazette ayaan dooneynin inuu sii dheereeyo joogitaankiisa Arsenal dhamaadka xilli ciyaareedkaan – sida laga soo xigtay Football London .

Newcastle ayaa qorsheyneysa inay u dhaqaaqdo weeraryahanka Real Madrid Mariano Diaz – sida laga soo xigtay Todofichajes .

Juventus ay u baahan tahay inay u soo bandhigto Paul Pogba 10 milyan oo euro sanadkii (£ 8m/$ 12m) si ay ugu soo celiso Turin. Tuttomercatoweb

Inter ayaa u aqoonsatay daafaca Borussia Monchengladbach Matthias Ginter bartilmaameedka suuqa kala iibsiga – sida laga soo xigtay Calcio Mercato .

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here