Raheem Sterling ayaa lagu soo waramayaa inuu doonayo dammaanad qaadka mustaqbalkiisa Manchester City ka hor inta uusan heshiis cusub u saxiixin Etihad Stadium.

In kasta oo uu ahaa xiddig muhiim ah xilligii Pep Guardiola , Sterling wuxuu ku koobnaa afar kulan oo uu ku soo bilaawday iyo lix bedel ku yimid tartammada oo dhan xilli ciyaareedkan.

Maqnaanshaha ciyaarta ee 26 jirkaan ayaa horseeday in la isla dhexmarayo mustaqbalkiisa qandaraaskiisa haatan oo dhacaya 2023.

Sida laga soo xigtay The Sun , Sterling ayaa ka meermeeridoona heshiiska cusub ilaa uu helo dammaanad ku aaddan doorkiisa kooxda.

Barcelona ayaa la sheegay inay la socon doonto xaaladda, xidigan.

Sterling ayaa leh hal gool oo kaliya xilli ciyaareedkan, goolkaas ayaa yimid Kulankii Norwich City 21ka Ogosto ka dib badel uu ku soo galay Ciyaarta.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here