Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay weyn doonto Raphael Varane kulanka Premier League ee ay Sabtida kula ciyaari doonaan Leicester City garoonka King Power Stadium.

Daafaca dhexe ayaa shaki weyn ku yimid markii uu dhaawac ka soo gaaray bowdada intii lagu guda jiray guushii France Nations League ee ay ka gaareen Spain axadii.

Varane ayaa la filayaa in baaritaan lagu sameeyo xarunta tababarka Man United galabnimada Talaadada ee maanta, laakiin sida laga soo xigtay L’Equipe , ‘baaritaannada caafimaad ee ugu horreeya’ ayaa soo jeediyay inuu maqnaan doono kulanka Brendan Rodgers .

Warbixinta ayaa sheeganeysa in arintu aysan ahayn mid halis ah, oo kaliya ay meesha ka saari karto ‘maalmo yar’, taasoo la micno ah inuu soo laabandoono kulanka Atalanta BC ee Champions League isbuuca soo socda ay macquul tahay.

Man United ayaa laga yaabaa inay dib u soo dhaweyso Harry Maguire isbuucaan, iyadoo kabtanka kooxda loo maleynayo inuu ku dhow yahay soo laabasho ka dib markii uu ka soo kabsaday dhibaato kubka ah.

Victor Lindelof iyo Eric Bailly ayaa ku tartami doona inay ku soo bilowdaan labada daafac dhexe haddii Varane iyo Maguire ay seegaan dhammaadka toddobaadkan.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here