Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Harry Kane wuu jecel yahay Tottenham wuxuuna hoggaamin doonaa dib u dhiska kooxdaasi sida uu qabo agaasimaha ciyaaraha Spurs ee Fabio Paratici. (Sun)

Barcelona madaxweyne ku xigeenkeeda Rafael Yuste ayaa hoos u dhigay wararka sheegaya in kooxdu ay xagaaga Erling Haaland kala soo wareegayso Borussia Dortmund. (Mundo Deportivo – in Spanish)

Arsenal ayaa tixgelinaysa inay bisha January u dhaqaaqdo xiddiga Liverpool ee Alex Oxlade-Chamberlain, 28 sano jirkaas ayaa kahor inta uusan 2017 u wareegin Anfield lix sano kusoo qaatay Gunners. (Sun)

Neymar ayaa sheegay in koobka aduunka ee 2022 uu noqon doono midka ugu dambeeya ee uu ciyaari doono, 29 sano jirkaas ayaa ka hadlay inuusan hubin haddii uu leeyahay adkaysi maskaxeed oo uu kubadda cagta kula sii tacaali karo. (DAZN, via Goal)

Barcelona ayaa iska diri doonta Ousmane Dembele haddiiba uusan heshiis cusub u saxeexin iyaga oo bedelkiisa isku dayi doona saxeexa Raheem Sterling oo Man City ka tirsan. (Sport – in Spanish)

Newcastle United maamulkeeda cusub ayaa ka fikiraya inay tababare Steve Bruce ku bedelaan Brendan Rodgers oo Leicester City hoggaan u ah, Steven Gerrard oo Rangers maamula ama tababarihii hore ee Borussia Dortmund ee Lucien Favre. (Mail)

Tababarihii hore ee kooxda RB Leipzig ee Ralf Rangnick ayay sidoo kale Newcastle ka dhigan kartaa agaasimaheeda ciyaaraha. (Telegraph – subscription required)

Newcastle United ayaa bar-tilmaameed ka dhiganaysa afar xiddig oo Man United ah bisha January waxaana ay kala yihiin Anthony Martial, Donny Van De Beek, Eric Bailly iyo Jesse Lingard. (Mirror)

Juventus ayaa Aaron Ramsey u adeegsan doonta heshiiska ay Man United kaga doonayso 28 sano jirka khadka dhexe ee Paul Pogba. (Mail)

Ramsey ayaa xagaagii diiday Wolves balse wali qorshaynaya inuu Juventus ka tagi xagaaga, Newcastle United ayaa xiisaynaysa. (Calciomercato – in Italian)

Tottenham ayaa lala xidhiidhinayaa inay 23 sano jirka khadka dhexe ee ree Maraykan ee McKennie iyo 21 sano jirka garabka weerar ee Swedish-ka ah ee Dejan Kulusevski kala soo wareegayso Juventus. (Calciomercato, via Teamtalk)

Tottenham ayaa sidoo kale Alvaro Morata oo isla Juventus ka tirsan ka dhigan karta bedelka Harry Kane, Morata ayaa haatan heshiis amaah ah oo uu Atletico Madrid kaga maqan yahay kula jooga kooxdaas. (Fichajes – in Spanish)

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here