Diogo Jota ayaa halis ugu jira inuu seego kulanka Premier League ee Liverpool ay sabtida la yeelan doonto Watford ka dib markii uu dhaawac soo gaaray isagoo gudanaya waajibaadka xulkiisa Portugal.

Weeraryahanka ayaan la tababarin saaxiibadiisa kale ee caalamiga ah maalmihii ugu dambeeyay waxaana uu dhaawac ku seegay kulankii ay 3-0 kaga badiyeen Qatar.

Jota ayaa dib ugu soo laaban kara England kahor dhammaadka fasaxa xulalka haddii uusan taam u ahayn inuu ciyaaro kulanka Luxembourg habeenka talaadada.

“Wuxuu tabartay in yar ka hor, lakin hada guud ahaan wuu iskaga baxay ayuu yiri tababaraha Portugal Fernando Santos shirkiisa jaraa’id ee ciyaarta ka hor.

“dhaawac yar ayuu noqondoonaa waan la hadli doonaa, sida uu dareemayo, haddii aan aragno inuu leeyahay awood uu mar kale ku ciyaaro.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here