Photo/Getty image

Lionel Messi ayaa noqday ciyaartoygii ugu horreeyey ee Koonfurta Ameerika ah ee gaara 80 gool kubbadda cagta ee ragga isagoo dhaliyay goolkii furitaanka ciyaartii isreebreebka Koobka Adduunka ee Argentina ay 3-0 kaga badiyeen Uruguay.

Messi, oo aan wali kubad feecan ku soo bandhigin Paris Saint-Germain tan iyo markii uu u biiray ayaa la guddoonsiiyay abaal-marin uu ka helay AFA oo ku aadan hormarada uu sameeyay.

34 jirkaan ayaa hogaanka u dhiibay Argentina kulankii dariskooda markii kubad lagu dhex tuuray xerada ganaaxa isagoo shabaqa ku hubsaday

Rodrigo de Paul ayaa sii laba jibaaray hogaanka Argentina dhamaadkii qeybtii hore, halka Messi uu markii dambe kaalin weyn ka qaatay isku diyaarinta Lautaro Martinez oo ciyaarta ka dhigay 3-0.

Messi ayaa noqday ciyaaryahanka ugu goolasha badan Koonfurta Ameerika kubbadda cagta ragga markii uu dhaliyay goolkiisii ​​78aad ee heerka caalami isagoo qeyb ka ahaa seddexleey uu ka dhaliyay Bolivia bishii hore, isagoo jabiyay rikoorkii hore ee 77 ee uu lahaa halyeeyga reer Brazil iyo halyeeyga kubadda cagta Pele.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here