Tababarihii hore ee Arsenal ee Arsène Wenger ayaa kusoo laabanaya shaqada, waxaana uu kasoo muuqan doonaa laynka garoonka isagoo ciyaarta koowaadna ka hor tegi doona kooxda reer France ee Paris Saint-Germain.

Ciyaar ka dhici doonta magaalada Riyadh ee waddanka Sucuudi Carabiya ayaa uu Arsène Wenger kusoo labbisan doonaa dharka koox lama filaan kugu noqon doonta oo uu laylin doono, taas oo jamaahiirta Arsenal soo xasuusinaysa xilligii guulaha ee uu macallinkoodani hoggaamin jiray.

Arsène Wenger oo ka fadhiistay ciyaaraha sannadkii 2018 kaddib 22 sannadood oo uu macallin usoo ahaa Arsenal. Intaas wixii ka dambeeyey ma qabanin wax shaqo ah.

Waraysi uu dhowaan bixiyey wuxuu ku sheegay inuu iska diiday fursado shaqo oo isugu jira kooxo waaweyn oo Yurub ah iyo xulal intaba, ayaa waxa uu wali bannaanka ka joogaa shaqada uu kusoo caan baxay, laakiin FIFA ayaa uu u yahay madaxa horumarinta kubadda cagta  caalamiga ah.

Sida uu qoray wargeyska maalinlaha ah ee kasoo baxa waddanka Sucuudiga ee Arriyadiyah Wenger ayaa waxa tababare u noqon doonaa koox ururis ah oo laga soo xulay labada naadi ee ugu waaweyn dalkaas ee Al-Hilal SFC iyo AL-Nassr FC, kuwaas oo la ciyaari doona Paris Saint-Germain.

Sannadka dambe ee 2022 ayay kooxda laga samaynayo labadan kooxood oo uu maamulayo Arsène Wenger waxay ka hor tegi doonaan PSG oo ay ku dagaallami doonaan ciyaarta koobka ah ee Riyadh Season Cup.

Arsène Wenger oo intii uu Arsenal joogay ku guuleystay saddex horyaal oo Premier League ah, toddoba FA Cup iyo koobab kale oo maxalli ah ayaan wali si rasmi ah u shaacin inuu aqbalay codsiga uga yimid Sucuudiga ee ah inuu hoggaamiyo labadan kooxood.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here