Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseyneyso inay Alex Oxlade-Chamberlain dib ugu soo celiso Emirates Stadium.

Xiddiga reer England ayaa matalay Arsenal intii u dhexaysay 2011 ilaa 2017 ka hor intii uuna ku biirin Liverpool laakiin waxa uu ku dhibaatooday Anfield sabab la xidhiidha dhaawacyo.

Xiddiga reer England ee Oxlade-Chamberlain ayaa kaliya 5 kulan u saftay Liveprool xilli ciyaareedkan isaga oo kaliya 2 kulan ciyaaray premier League.

28 jirkan ayaa Liverpool kula jira heshiis dhici doona xagaaga 2023 sida laga soo xigtay The Sun, Arsenal ayaa ka fiirsanaysa in ay xiddiga dib ugu soo celiso kooxda.

Wararka ayaa sheegaya in uu xiddiga reer England doonayo in uu isaga tago Liverpool si uu u raadsado tartan cusub maadama uu ka baxay qorshaha Klopp.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here