Andreas Christensen ayaa lagu soo waramayaa inuu ogolaaday inuu qandaraas cusub oo waqti dheer ah u saxiixo Chelsea .

25 jirkaan ayaa loo arkaa inuu yahay nin muhiim u ah Stamford Bridge tan iyo markii uu yimid Thomas Tuchel bilowgii 2021.

Si kastaba ha ahaatee, inkasta oo uu saftay 27 kulan tartamada oo dhan mudadaas, Christensen ma uusan kordhin qandaraaskiisa haatan dhamaadkii xilli ciyaareedkan.

Sida laga soo xigtay saxafiga reer Talyaani Fabrizio Romano , taasi mar dhow wey is beddeli doontaa iyadoo labada dhinac ay ku heshiiyeen shuruudo cusub.

Romano ayaa intaasi ku daraya in heshiiska si rasmi ah loogu dhawaaqayo  iyadoo Christensen uu ka fogaaday xiisihii labada kooxood ee kale.

Intii uu ku guda jiray waajibaadka caalamiga ah ee Denmark, daafaca dhexe wuxuu ka dhawaajiyay inay u badan tahay inuu qandaraas cusub u saxiixo Stamford Bridge.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here