Ciyaaryahankii hore ee qadka dhexe ee kooxda Barcelona Xavi ayaa xaqiijiyay inuu dhageysan doono dalabka La Blaugrana haddii shaqada tababaraha loo soo bandhigo.

41 jirkaan-oo hadda gacanta ku haya kooxda reer Qatar ee Al-Sadd- ayaa lala xiriiriyay inuu ku laaban doono Camp Nou halka Ronald Koeman uu xaalka ku xunyahay.

Xavi ayaa ku adkeystay inuu ka fiirsan doono qabashada kooxda reer Catalan haddii lala soo xiriiro.

Isagoo la hadlaya TVE , ninka ku guuleystay Koobka Adduunka ayaa yiri: “Dalab kasta waa la qiimeyn doonaa ka dibna go’aan ayaa la gaari doonaa.

In kasta oo guuldarro 2-0 ah ay ka soo gaartay Atletico Madrid ka hor fasaxii xulalka, Koeman ayaa la filayaa inuu shaqadiisa ku badbaadiyo natiijada El Clasico 24-ka Oktoobar.

Xavi ayaa hore u dhaliyey 85 gool, waxaana uu sameeyay 185 kale 767 kulan oo uu u saftay Barcelona, ​​isagoo kula guuleystay siddeed horyaal oo La Liga ah iyo afar Champions League intii lagu jiray 17-kii sano ee uu ka tirsanaa kooxda koowaad ee Barcelona.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here