Thomas Tuchel ayaa ku taageeray xiddiga qadka dhexe ee Chelsea Jorginho inuu ku guuleysto abaalmarinta Ballon d’Or ka dib sanad qurux badan oo uu u soo ciyaaray kooxda iyo dalkiisa.

Ka dib markii uu Blues kula guuleystay Champions League bishii May, ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa door muhiim ah ka qaatay guushii Italy ee Euro 2020.

Tuchel ayaa sheegay in Jorginho ‘uu u qalmo’ abaalmarinta, in kasta oo uu hoos u dhigay xidigaha kale ee Muhiimka kuwaasi oo kaga horeeya Xidigan.

“Jorginho wuxuu u qalmaa inuu ku guuleysto Ballon d’Or,” Tuchel ayaa sidaa yiri u sheegayFootball Italia ). “Waa ciyaaryahan aad u caqli badan waana wax lagu farxo inaan noqdo tababarihiisa.

“Wuxuu leeyahay aragti weyn oo kubadda cagta ah. Aniga ahaan, abaalmarinnada shaqsiyeed ma laha muhiimad weyn, waa wax aan macquul ahayn in la sameeyo isbarbardhig dhab ah oo u dhexeeya dhowr ciyaartoy oo door kala duwan leh.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here