Xulka qaranka France ayaa ku guuleystay koobka UEFA Nations League iyagoo 2-1 ku garaacay Spain oo ay iskugu soo baxeen ciyaartii ugu dambaysay ee finalka.

Tartankan oo muddo dheer soo socday ayaa lagu soo gunaanaday magaalada Milan ee waddanka Talyaaniga, waxaana nasiib u yeeshay Faransiiska oo laba gool ka daba keenay Spain oo gool la hormartay.

Xulka qaranka Spain ayaa daqiiqaddii 64aad ee qaybta labaad gool qurux badan ku furay ciyaarta, isla markaana lugta bidix ku dhaafiyey goolhaye Hugo Lloris, halkaas ayayna reer Spain ka bilaabeen dabbaal-deg aan waqti badan qaadanin.

Karim Benzema ayaa gool qurux badan ku barbarreeyey daqiiqaddii 66aad isagoo dhinaca bidix kala soo galay kubbad, isla markaana laynka dusiisa kaga toogtay kubbad uu soo jaray oo uu goolhaye Unai Simon awoodi waayey inuu joojiyo inkasta oo uu sii taabtay.

Dhamaadka ciyaarta oo ay ka hadhsan tahay toban daqiiqadood ayuu Kylian Mbappe goolka guusha u dhaliyey Faransiiska kaddib kubbad uu Theo Hernandez uga dhex-saaray difaacyahannada oo uu kula kaliyeystay goolhaye Unai Simon.

Ciyaartoyda Spain ayaa ku dooday in goolkani uu offside yahay, laakiin waxa laga soo hubiyey VAR oo aan waxba ka  beddelin go’aanka garsooraha Ingiriiska ah ee Anthony Taylor Xulka Faransiiska ayaana sidaasi ku qaaday koobka.

Shaxda lagu soo bilaabay ciyaarta.

Spain XI: Azpilicueta, Busquets, Sarabia, Alonso, Laporte, Unai Simón, Oyarzabal, Rodri, Ferran Torres, Eric Garcia, Gavi

Subs: De Gea, Roberto, I. Martinez, Koke, Merino, Reguilon, Fornals, P. Torres, Robert Sanchez, Gil, Pedro Porro, Yeremy

France XI: Lloris, Benzema, Griezmann, Varane, Pogba, Kimpembe, Pavard, Theo, Mbappe, Kounde, A. Tchouaméni

Subs: B. Costil, Ben Yedder, Veretout, Maignan, Martial, Dubois, Lucas, Upamecano, Guendouzi, Diaby

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here