Newcastle United ayaa diyaar u ah dagaalka Juventus iyo Tottenham Hotspur ee ku aadan saxiixa Paris Saint-Germain weeraryahankeeda Mauro Icardi .

28 jirkaan ayaa durbaba dhaliyay seddex gool xilli ciyaareedkii 2021-22 Ligue 1 laakiin waxaa ku adkaatay inuu booska ka saaro Lionel Messi , Neymar iyo Kylian Mbappe weerarka PSG.

Qandaraaska Icardi ee Parc des Princes ayaa ku eg ilaa xagaaga 2024, laakiin weeraryahanka ayaa loo saadaalinayaa inuu meel kale u aado sannadka dambe haddii xaaladiisa ciyaareed aysan hagaagin.

Juventus iyo Tottenham ayaa labaduba qiray inay xiiseynayaan Icardi iyagoo doonaya inay xoojiyaan xulashooyinka weerarka, laakiin sida laga soo xigtay Calciomercato , Newcastle ayaa sidoo kale ku jirta loolanka.

Magpies-ka ayaa la filayaa inay lacag kaash ah ku shubaan ka dib markii ay la wareegeen Sucuudiga, Kalidou Koulibaly iyo Philippe Coutinho ayaa sidoo kale lala xiriiriyay inay u dhaqaaqayaan Waqooyi Bari.

Icardi ayaa dhaliyay 36 gool 72 kulan oo uu u saftay PSG tan iyo markii uu amaah uga yimid Inter Milan xagaagii 2019.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here