Daafaca bidix ee Chelsea Marcos Alonso ayaa kalsooni ku qaba in ninka ay dhalashada wadaagaan ee Saul Niguez uu kooxda ula qabsandoono qaab tartiib tartiib ah

Saul ayaa amaah uga yimid Atletico Madrid maalintii ugu dambeysay suuqa kala iibsiga, laakiin ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa ku dhibtooday inuu saameyn ku yeesho maalmihii hore ee Stamford Bridge.

26-sano jirkaan ayaa ciyaaray kulankii Aston Villa, Alonso ayaa taageeray saaxiibkiis reer Spain inuu la qabsandoono kooxda.

Alonso oo la hadlaya Cadena SER , ayaa yiri: “Hagaag, waa nin ku cusub, wuxuu ku jiraa marxaladda la qabsiga, laakiin waa ciyaaryahan weyn wuxuuna noo ahaan doonaa mid aad noogu wanaagsan”.

Saul ayaa ahaa bedel aan la isticmaalin seddexdii kulan ee ugu danbeysay ee Chelsea Premier League ka dib kulankiisii ​​ugu horeysay ee Villa, waqtigaas oo uu qaatay kaliya 45 daqiiqo.

Heshiiska haatan ee xiddiga reer Spain ee Atletico ayaa dhacaya 2026, Chelsea ayaana heysata 30 milyan oo ginni oo ay ku iibsan karto si joogto ah dhamaadka ololaha.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here