Agaasimaha ciyaaraha ee Paris Saint-Germain Leonardo ayaa weli ku rajo weyn in kooxdu ay heshiis cusub ka saxiixi karto Kylian Mbappe oo ku sugan Parc des Princes.

Xiddiga ku guuleystay Koobka Adduunka ayaa lagu wadaa inuu noqdo wakiil xor ah dhamaadka xilli ciyaareedkaan isagoo dhawaan qirtay inuu weydiistay inuu ka tago PSG intii lagu jiray suuqa kala iibsiga xagaaga.

Mbappe ayaa loo saadaalinayaa inuu si xor ah ugu biiro Real Madrid sannadka 2022, laakiin Leonardo ayaa diiday arintaas wuxuuna sii wadaa inuu ka hadlo rajada cusboonaysiinta.

Isagoo la hadlaya Festival dello Sport , 51-jirka ayaa yiri: “Fikirkayagu waa inaan kordhinno heshiiska Kylian Mbappe, waxba iskama beddelin qorshayaasheenna, Kylian waa dahab, aad buu ugu fiican yahay PSG … , Leo [Messi], Ney. Marna ma qorsheynin mustaqbalka PSG la’aantii Mbappe ”.

Leonardo ayaa sidoo kale sheegay in Madrid ay tahay in lagu “ciqaabo” qaabkii ay ula soo saxiixan rabeen Mbappe, isagoo raaciyay: “Madrid way diidaan, laakiin waxaan u malaynayaa in Real Madrid ay qabanaysay shaqo si ay u iibsato Mbappé [wakiil xor ah] muddo dheer. Laba sano waxay si guud uga hadlayeen Mbappé. Tani waa in lagu ciqaabaa. ”

Mbappe ayaa diiwaangeliyay afar gool iyo shan caawin 11 kulan oo tartamada oo dhan ah xilli ciyaareedkan, waxaana uu haatan isku diyaarinayaa kulanka France ee Spain finalka Nations League ee caawa.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here