Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay isku diyaarineysa inay kor u qaado raacdada ay ugu jirto Weeraryahanka Adama Traore .

25 jirkaan ayaa soo jiitay indhaha kooxaha waaweyn laakiin wax gool ah ma uusan dhalin ama caawin 7 kulan oo Premier League ah xilli ciyaareedkan.

Traore ayaa lala xiriirinayay inuu ka tagayo Molineux inta lagu gudajiray suuqa xagaaga laakiin ugu dambeyn wuxuu sii joogay West Midlands, halkaasoo qandaraaskiisa hadda uu dhacayo xagaaga 2023.

Iyada oo ay Liverpool wajahayso hubanti la’aan ku xeeran mustaqbalka Mohamed Salah iyo Sadio Mane , El Nacional ayaa sheegtay in xiisaha Liverpool ee Traore hadda ‘la xoojiyay’.

Warbixinta ayaa intaas ku dartay in Traore uusan awood u lahayn inuu diido u dhaqaaqista Anfield, halkaas oo Jurgen Klopp uu ku sugayo imaanshihiisa ‘gacmo furan’.

Si kastaba ha ahaatee, Manchester City iyo Tottenham Hotspur ayaa sidoo kale lagu xantaa inay isha ku hayaan Traore, kaasoo dhaliyay 10 gool isla markaana sameeyay 18 kale 140 kulan oo uu u saftay Wolves.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here