Xulka qaranka  Talyaaniga ayaa galay kaalinta saddexaad  ee tartanka UEFA Nations League kaddib markii ay ay ku rafaadeen ka gaadheen Belgium oo ay ciyaaryahannadii waaweynaa ka maqnaayeen.

Labada xul oo semi-finalka Nations League ay kusoo garaaceen Spain iyo France ayaa ku dagaallamayey midkooda ku dhamaysanaya kaalinta saddexaad ee tartankan, waxaanay xilli horeba awood sheegtay Talyaaniga oo laba gool helay, halka Belgium ay dhamaadkii ciyaarta soo noolaatay oo ay gool madi ah la timid.

Nicola Barella ayaa daqiiqaddii 46aad ee bilowga qaybta labaad hoggaanka u dhiibay Talyaaniga, waxaana gool labaad oo rikoodhe ahaa ku daray Berardi, halka dhamaadka  ciyaarta oo ay afar daqiiqadood ka hadhsan yihiin uu xulka Belgium helay goolka madiga ah ee aan waxba u tarin, waxaana u saxeexay De Ketelaere oo kubadda ka dhex saaray lugaha goolhaye Donnarumma.

Shaxda Kulanka lagu soo bilaabay

Italy XI: Acerbi, Emerson, Di Lorenzo, Berardi, Barella, Locatelli, Pellegrini, Donnarumma, Bastoni, Chiesa, G. Raspadori

Subs: Chiellini, Sirigu, Verratti, Insigne, Jorginho, Cristante, Dimarco, Bernardeschi, Meret, Kean

Belgium XI: Vertonghen, Witsel, Alderweireld, Courtois, Vanaken, Carrasco, Batshuayi, Tielemans, Castagne, Denayer, A. Saelemaekers

Subs: Mignolet, De Bruyne, Casteels, Boyata, Trossard, Dendoncker, D. Lukébakio, De Ketelaere, A. Theate

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here