Tartanka UEFA Nations League 2020-21 ayaa lagu soo gabagabeyn doona Garoonka San Siro, iyadoo Spain iyo France ay ku tartamayaan koobka qaaradda.

Kooxda Luis Enrique ayaa 2-1 ku garaacday Italy oo ku guuleysatay Euro 2020 si ay ugu soo baxdo finalka, halka Les Bleus ay gaartay guul soo laabasho ah Kulankii Belgium 3-2 habeenkii khamiista.

Wararka Labada Xul

Spain ayaa rajeyneysa inay heysato Ferran Torres ka dib markii uu dhaawac ka soo gaaray kulankii Italy ka dib markii uu dhaliyay labo gool.

Da’yarka Barcelona Gavi ayaa si lama filaan ah ugu soo bilowday khadka dhexe kulankii Italy laakiin waa inuu booskiisa ka sii wataa kooxda ka dib kulankiisii ​​ugu horeeyay.

Marcos Alonso ayaa la dhihi karaa waa meesha ugu liidata difaaca Spain sidaa darteed waxaa dhici karta in baddel lagu sameeyo.

France ayaa shaxdiisa cajiibka ku soo bandhigay kulanki Belgium-ka khamiistii sidaa darteed ma cadda in Didier Deschamps uu sameyndoono markale maadaama Spain ay ciyaari doonto 4-3-3.

Aurelien Tchouameni ayaa u muuqday mid bedel ku soo galay Adrien Rabiot kulankii Belgium wuxuuna isku dayi doonaa inuu ku soo bilowdo kulankan.

Theo Hernandez ayaa mararka qaar u muuqday mid daafac ahaan daciif ahaa kulankii Belgium laakiin wuxuu dhaliyay goolkii guusha sidaas darteed waxa uu xajisandoonaa Booskiisa.

Dhaawac muruqa ah ayaa sababay in Lucas Digne laga saaro kooxda. Anthony Martial ayaa taam u ahaa kulankii Belgium inkastoo keydka la dhigay.

Shaxda Macquulka ee Labada Xul

Spain: Simon; Azpilicueta, Laporte, P. Torres, Alonso; Koke, Busquets, Gavi; Sarabia, Torres, Oyarzabal

France: Lloris; Kounde, Varane, L. Hernandez; Pavard, Pogba, Tchouameni, T. Hernandez; Griezmann; Mbappe, Benzema.

Spain Vs France

Tartanka UEFA Nations League

Saacada (21:45 pm Africa), (20:45 pm Yurub)

Garoonka San Siro

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here