Madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez ayaa lagu soo waramayaa inuu aad u doonayo inuu kooxda keeno weeraryahanka Villarreal Yeremi Pino.

18 jirkaan ayaa dhaliyay sideed gool waxaana uu diiwaan galiyay afar caawin 46 kulan oo uu u saftay Yellow Submarine tan iyo markii uu galay kooxdooda koowaad xilli ciyaareedkii hore.

Pino oo u saftay Spain kulan ka tirsan xulka UEFA League habeenkii arbacada, ayaa dhanka kale, waxaa xiiseenaya tiro ka mid ah kooxo ay ku jiraan Arsenal iyo Leicester City.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay Defensa Central , waxaa sidoo kale jira xiiso dhab ah oo ka imanaya Real Madrid, iyadoo madaxweynaha kooxda Perez uu u arko da ’yarka mid ku habboon.

Warbixinta ayaa sheegeysa inuu jiro qandaraas Pino lagu burburin karo € 30m (£ 25.5m), laakiin Perez diyaar uma ahan inuu buuxiyo tiradaas bedelkeedana wuxuu isku dayi doonaa inuu kala xaajoodo lacag hoose Villarreal.

Seddexda ciyaaryahan ee Los Blancos Jesus Vallejo , Dani Ceballos iyo Mariano Diaz ayaa la sheegay in loo isticmaali karo heshiiska labada dhinac.

Pino ayaa dhaliyay hal gool wuxuuna caawiyay seddex kale sagaal kulan oo uu u saftay kooxda Unai Emery xilli ciyaareedkan.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here