Xulka qaranka England ayaa xasuuq usoo goysay waddanka Andorra oo ay marti u ahaayeen, waxaanay kusoo dhufteen shan gool iyo shabaqooda oo nadiif ah.

Tababare Gareth Southgate oo kaydka dhigtay ciyaartoydiisa muhiimka ah ayaa waxa uu la ciyaarsiiyey Andorra laacibiin doorkan uu kusoo daray xulka iyo ciyaartooyo hore kaydka ugu jiray, kuwaas oo fursaddooda si fiican uga faa’iidaystay.

Shan gool oo ay kala dhaliyeen shan ciyaartoy oo kala duwan ayaa Ingiriiska sabab ugu noqday inay 5-0 ku jiidhaan Andorra iyadoo waliba ay kooxda martidu iska khasaarisay rikoodhe.

Ben Chilwell ayaa daqiiqaddii 17aad hoggaanka u dhiibay England isaga oo shabaqa ku hubsaday kubbad uu usoo dhiibay Jadon Sancho, mid labaadna waxa ku daray Bukayo Saka ka hor intii aan loo bixin waqtiga nasashada.

Qaybtii labaad ayay Ingiriisku mar kale muujiyeen sida ay uga awood badan yihiin Andorra, waxaana shabaqa soo taabtay Tammy Abraham oo muddo kaddib dib loogu soo celiyey xulka kaddib wacdaro uu ka dhigay horyaalka Talyaaniga ee Serie A oo uu u ciyaaro AS Roma. Daqiiqaddii 59aad ayuu Abraham ciyaarta ka dhigay 3-0.

England ayaa loo dhigay rikoodhe daqiiqaddii 79aad, waxaana kubadda soo qaatay Ward-Prawse oo ku toogtay goolka hase yeeshee kubadda oo uu lumiyey ayaa mar kale dib ugu soo noqotay, waxaanu ku celiyey goolka oo uu shabaqa ku ruxay, sidaas ayaanay ciyaartu ku noqotay 4-0.

Jack Grealish oo beddel kusoo galay ayaa dhamaadka ciyaarta oo ay lix daqiiqadood  ka hadhsan yihiin dhaliyey goolka shanaad ee xulka qarankiisa, sidaas ayaanay England ku gaadhay guul fudud oo aanay dhibaato badan u marin.

Dhinaca kale, xulka qaranka Poland ayaa isaguna 5-0 ku bahdilay San Marino, waxaana goolashan aan waxba ku yeelanin Robert Lewandowski oo qaybtii dambe la beddelay isagoon wax gool ah dhalin.

Swiderski ayaa gool-dhalinta u furay Poland daqiiqaddii 10aad ee bilowga ciyaara, toban daqiiqadood kaddibna waxa gool iska dhalisay San Marino, sidaas ayaana loogu baxay waqtiga nasashada.

Markii lagu soo laabtay qaybta dambe ayay Poland saddex gool oo kale dhalisay, waxaana u saxeexay Kedziora, Buksa iyo Piatek.

Natiijooyinka kulamadii isreeb-reebka koobka adduunka ee dalalka Yurub:

Lithuania 3 – 1 Bulgaria

Kazakhstan 0 – 2 Bosnia and Herzegovina

Azerbaijan 0 – 3 Republic of Ireland

Georgia 0 – 2 Greece

Sweden 3 – 0 Kosovo

Finland1 – 2Ukraine

Scotland3 – 2Israel

Luxembourg 0 – 1 Serbia

Switzerland 2 – 0 Northern Ireland

Faroe Islands 0 – 2 Austria

Moldova 0 – 4 Denmark

Andorra 0 – 5 England

Hungary 0 – 1 Albania

Poland 5 – 0 San Marino

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here