Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Tabarihii hore ee Chelsea, Inter iyo kooxda Juventus Antonio Conte ayaanan xiiso u qaban ku biiritaanka kooxda Newcastle United, Sun . 

Milkiilaha cusub ee kooxda Newcastle Amanda Staveley ayaa ballan qaaday in kooxdu ay la soo saxiixan doonto ciyaartoy heer caalami ah si ay ugu sii huriso Xifaaltanka Horyaalka Goal

Dejan Kulusevski ayaa laga yaabaa inuu ka tago Juventus bisha Janaayo,  Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Sweden ayaa doonaya waqti ka badan inta uu ka helayo Turin waxaana la sheegay in kooxdiisii ​​hore ee Atalanta ay xiiseyneyso. Fichajes .

Xiddiga garabka uga ciyaara Barcelona Ousmane Dembele ayaa qandaraaskiisu dhacayaa xagaaga soo aadan Liverpool ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo bisha Janaayo, sida laga soo xigtay  Team Talk .

Newcastle ayaa u dhaqaaqi doonta Jesse Lingard iyo James Tarkowski, sida laga soo xigtay  The Telegraph .

Barcelona ayaa dooneysa inay goolhaye Inaki Pena amaah ku fasaxdo bisha Janaayo, sida laga soo xigtay Sport .

AC Milan ayaa qorsheyneysa inay u dhaqaaqdo xiddiga Anderlecht Yari Verschaeren, sida laga soo xigtay  La Gazzetta dello Sport .

Paulo Fonseca ayaa kula biiray Steven Gerrard liiska musharraxiinta bedeli doona Steve Bruce oo maamula Newcastle. Wargayska Mirror 

AC Milan ayaa ku qancisay Stefano Pioli inuu yahay ninka ku haboon inuu hogaamiyo kooxda sanadaha soo socda. Tababaraha ayaa wacdaro dhigay tan iyo markii uu qabtay shaqada Rossoneri, laakiin qandaraaskiisu wuxuu dhacayaa dhammaadka xilli ciyaareedkan. Calciomercato 

Roma ayaa ku rajo weyn inay bisha Janaayo kala soo wareegto Denis Zakaria kooxda Borussia Monchengladbach. Corriere dello Sport  

Inter ayaa rajeyneysa inay iska fasaxdo Alexis Sanchez suuqa kala iibsiga bisha Janaayo si ay u keento Alexandre Lacazette. La Gazzetta dello Sport 

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here