Newcastle United ayaa lagu soo waramayaa inay u aqoonsatay kubadsameeyaha Barcelona Philippe Coutinho inuu yahay saxiixii ugu horeeyay ee kooxda.

Waxaa la xaqiijiyay khamiistii in la dhammaystiray la wareegitaankii Magpies-ka Sacuudi Carabiya ee taageersanaa, taasoo soo afjartay 14 sano oo uu Mike Ashley ahaa milkiilaha kooxda.

Isbahaysiga, oo ay hormuud ka tahay maal -gashade Amanda Staveley , ayaa qarka u saaran inay lacag aad u badan u diyaariso sidii ay ugu qarash gareyn lahayd ciyaartoy cusub suuqa kala iibsiga soo socda waxayna durba diyaarinaysaa liis dheer oo bartilmaameedyo ah.

Wargeyska Isbaanishka ee Sport.es ayaa sheegaya in wakiilada Coutinho ay wadahadalo la yeesheen milkiilayaasha cusub ee Newcastle horaantii sanadkan, bilo kahor isku daygoodii koobaad ee la wareegida.

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegeysa in 29 jirkaan uu xiiseynayo u dhaqaaqista Waqooyi Bari iyo ku laabashada Premier League, afar sano kadib markii uu ka tagay Liverpool kuna biiray Barcelona.

Coutinho ayaa waqti adag ku qaatay Camp Nou dhaawac awgiis ka dib markii uu ka dhacay dooqa tababaraha haatan ee Ronald Koeman .

Xiddiga reer Brazil oo sidoo kale lala xiriirinayaa kooxaha Arsenal iyo Tottenham Hotspur isagoo 96 kulan u saftay tartamada oo dhan Barcelona, ​​isagoo u dhaliyay 23 gool 14 kalena caawiyey.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here