Newcastle United ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseeneyso keenista xidiga Manchester United ee Anthony Martial marka uu furmo suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.

La wareegitaankii Newcastle ayaa la dhammeystiray, waxaana la filayaa in Magpies-ku ay ka hawl-galaan suuqa jiilaalka sababtuna tahay xaaladdooda cusub oo ah mid ka mid ah kooxaha ugu qanisan adduunka.

Sida laga soo xigtay Stretty News , kooxda Steve Bruce ayaa durba xiriir la sameysay Man United si ay ugala hadasho suurtagalnimada uu Martial u imaan karo bilowga 2022.

Warbixinta ayaa sheegeysa in Magpies ay sidoo kale wadahadalo la bilaabeen wakiilka xiddiga reer France, laakiin kooxo badan oo Isbaanish ah ayaa sidoo kale isha ku haya horumarka.

25 jirkaan ayaa hoos u sii dhacay dalabkii ugu sareeyay ee kooxda ka dib imaatinka Cristiano Ronaldo xagaagii, laakiin wuxuu shabaqa kasoo taabtay Everton kulankii ugu dambeeyay ee kooxdiisa 2dii October.

Martial, oo weli saddex sano uga harsan tahay qandaraaskiisa Old Trafford, isagoo dhaliyay 79 gool isla markaana diiwaangeliyay 50 caawin 265 kulan oo uu u saftay kooxda Ole Gunnar Solskjaer tartamada oo dhan.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here