Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay ku biirtay loolanka loogu jiro weeraryahanka Barcelona Ousmane Dembele .

Xiddiga reer France ee dhaawaca soo gaaray ayaa loo malaynayaa inuu wadahadalo kula jiro kooxda ka dhisan Camp Nou, laakiin sida ay hadda tahay wuxuu awoodi doonaa inuu si xor ah uga tago kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Manchester United iyo Manchester City ayaa labadaba la sheegay in si dhow isha ugu hayaan mustaqbalka Dembele, iyadoo Pep Guardiola kooxdiisa loo saadaaliyay inay dhameystirto heshiis uu qeyb ka yahay Raheem Sterling .

Si kastaba ha ahaatee, TEAMtalk ayaa sheegeysa in Liverpool ay sidoo kale ku jirto loolanka saxiixa Dembele, iyadoo mustaqbalka Mohamed Salah iyo Sadio Mane aan weli la hubin.

Warbixinta ayaa intaas ku dartay in Jurgen Klopp uu yahay ‘taageere weyn’ Dembele, agaasimaha isboortiga Michael Edwards waxaa ka go’an inuu ku sii adkeeyo beeca xorta ah xagaaga 2022.

Bayern Munich , Chelsea iyo Juventus ayaa sidoo kale lala xiriirinayay inay u dhaqaaqayaan 24 jirkaan, kaasoo diiwaangeliyay 30 gool iyo 21 caawin 118 kulan oo uu u saftay Barcelona tan iyo 2017kii.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here