Lionel Messi ayaa shaaca ka qaaday inuu u codeyn lahaa xiddigaha ay isku kooxda yihiin ee Paris Saint-Germain Neymar ama Kylian Mbappe Ballon d’Or, inkastoo uu yahay qofka ugu cadcad inuu ku guuleysto abaalmarinta markiisii ​​toddobaad.

Abaalmarinta qaaliga ah – oo la siiyo ciyaartoygii ugu fiicnaa sannadkii ka horreeyay – ayaa soo laabanaya sanadkan iyadoo la baajiyay sanadkii hore sababo la xiriira cudurka faafa ee coronavirus.

Jimcihii, 30-ka xiddig ee France Football u sharraxan abaalmarinta ragga ayaa laaoo dusiyay waxaana wax aan ka yarayn afar xiddig oo ka socda kooxda Faransiiska ah loo sharraxay abaalmarinta.

Waxaa ku jiray Messi, Neymar, Mbappe iyo goolhaye Gianluigi Donnarumma, halka 14 ciyaartoy oo ka tirsan Premier League ay sidoo kale ka mid noqdeen liiska.

Messi, oo 34 jir ah, ayaa ugu cadcad inuu ku guuleysto abaalmarinta ugu sarreysa, isagoo ka horreeya kuwa sida Robert Lewandowski iyo Jorginho oo ka mid ah kuwa loo badinayo.

Si kasta ha ahaatee xiddiga reer Argentine ayaa qirtay in uu u codayn doono xiddigaha ay isku kooxda yihiin ee Mbappe iyo Neymar inkasta oo ayna labada xiddig wax koob ah oo weyn ku guulaysan sanadkii hore.

“Sida iska cad kooxdayda waxaan ku haystaa laba ciyaartoy oo aan u codayn lahaa, Ney iyo Kylian,” Messi ayaa sidaa u sheegay L’Equipe.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here