Paul Pogba

Juventus ayaa rajeyneysa inay Paul Pogba ku soo celiso Turin iyagoo heshiis 10 milyan oo ginni ah sanadkii kaga soo qaadaneysa kooxda Manchester United.

Xiddiga reer France ee ku guuleystay Koobka Adduunka ayaan weli mustaqbalkiisa u hibeyn Red Devils wixii ka dambeeya 2022 waxaana laga yaabaa inuu si xor ah ku heli karo dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Kooxaha Juventus iyo Real Madrid ayaa loo malaynayaa inay yihiin safka hore ee saxiixa Pogba, waxaana ciyaaryahanka khadka dhexe uu dhawaan ka dhawaajiyay inuu ku soo laaban karo Marwada Duqda ah.

Sida laga soo xigtay La Gazzetta Dello Sport , Juventus ayaa isku diyaarinaysa heshiiska Pogba, xidiga 28-jirka ayaa jeebka ku qaadan doona toddobaadkii mushaar dhan 190k £ Turin.

Si kastaba ha ahaatee, United ayaa loo maleynayaa inay diyaarineyso heshiis cusub oo gaaraya £ 400k isbuucii.

Pogba ayaa ku faanay todobo caawin intii uu ciyaarayay Premier League xilli ciyaareedkan waxaana la filayaa inuu ku soo bilowdo France finalka UEFA Nations League ee axada ay la ciyaarayaan Spain.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here