Cristiano Ronaldo ayaa loo magacaabay ciyaaryahanka ugu fiican Premier League bishii September – isagoo ku guuleystay abaalmarinta markii ugu horreysay muddo saddex iyo toban sano ah.

Saddex gool uu dhaliyay saddex kulan oo horyaalka ah bishii la soo dhaafay ayaa CR7 ka caawisay inuu ku guuleysto abaalmarinta markii shanaad waayihisia Manchester United.

Waxa kale oo uu abaalmarinta ka qaaday Allan Saint-Maximin, Joao Cancelo, Antonio Rudiger iyo Ismaila Sarr, kuwaas oo dhammaantood u sharaxnaa abaalmarinta.

CR7 ayaa ka falceliyay warkaas, isagoo u sheegay taageerayaashiisa 95 -ka milyan ee Twitter ku xiran: “Waan ku faanayaa inaan ku guuleystay Ciyaaryahanka Bisha anigoo ka qaaday xiddigo badan oo waa weyn oo Premier League ah.

“Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan asxaabteyda Man United, iyaga la’aantooda kuma aanan guuleysan karin.

“Aan sii wadno shaqada adag natiijaduna way imaan doontaa!”

Qoraalka ugu danbeeya ee Ronaldo wuxuu si maldahan uga hadlayaa qaab ciyaareedka liita ee ay ku jirto Red Devils kuwaasoo badiyay kaliya hal kulan afartii kulan ee ugu danbeysay.

Kooxda Ole Gunnar Solskjaer ayaa barbaro gurigeeda kula gashay Everton kulankii ugu dambeeyay, iyadoo Ronaldo uu xanaaqay kulankaas markii ay ciyaarta soo dhamaatay.

Ronaldo ayaa markii ugu danbeysay ku guuleystay ciyaaryahanka bisha ee Premier League bishii March 2008 ka dib markii uu dhaliyay shan gool horyaalka bishaas.

Waxa uu sidoo kale ku guuleystay abaalmarinta labo bilood ka hor waqtigaas oo aheyd bishii Janaayo ee 2008.

Labadiisii ​​abaalmarin ee ugu horreeyay ee Laacibka Bisha wuxuu ku guuleystay bilo isku xiga oo ah November iyo December 2006.

Ronaldo wuxuu barbareeyay rikoodhka Wayne Rooney ee xiddiga ugu badan ee Man United ee ku guuleysta abaalmarinta bisha shan jeer

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here