Manchester United weeraryahankeeda Bruno Fernandes ayaa lagu soo waramayaa waa ‘in xiriir joogta ah uu la leeyahay Raphinha , kaasi diirada u saaran kooxda united.

Raphinha ayaa wacdaro dhigay xilli ciyaareedkiisii ​​ugu horreeyay ee kubbadda cagta Ingiriiska, isagoo dhaliyay lix gool, isla markaana caawiyey sagaal caawin 30 kulan oo Premier League ah oo uu u saftay White -ga.

Man United ayaa loo malaynayaa inay aad ula dhacsan tahay 24-jirkan, sida laga soo xigtay The Sun , Fernandes ayaa ‘xiriir joogto ah’ la leh saaxiibkiisii ​​hore.

“Waan u xiisay Raphinha. Isagu waa ciyaartoy aan la leeyahay dareen ka duwan ku kale, si yar buu ii fahmaa,” ayuu Fernandes hore u yidhi markii wax laga weydiiyay Raphinha, iyadoo labada ciyaartoy ay waqti ku wada qaateen Sporting Lisbon.

Fernandes ayaa la rumeysan yahay inuu door muhiim ah ka ciyaaray in Cristiano Ronaldo uu ku soo laabto Old Trafford xagaagii, iyadoo kubadsameeyaha la sheegay inuu la xiriiray saaxiibkiisa reer Portugal si uu ugu qanciyo inuu mar kale u saxiixo kooxda.

Raphinha ayaa dhaliyay seddex gool todobo kulan oo Premier League ah oo uu u saftay kooxda Marcelo Bielsa xilli ciyaareedkan.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here