Weeraryahanka Benfica Darwin Nunez ayaa lagu soo waramayaa inuu qarka u saaran yahay inuu sii joogo kooxda reer Portugal bisha Janaayo, xilli ay xiiseyneyso Manchester City .

22 jirkaan ayaa lala xiriirinayay inuu ka tagayo kooxda Primeira Liga bilihii la soo dhaafay, iyadoo kooxda Pep Guardiola la rumeysan yahay inay hogaamineyso loolanka saxiixiisa.

Si kastaba ha ahaatee, wargeyska Portuguese Record ayaa sheeganaya in Benfica ‘aysan aqbali doonin’ dalabyada Nunez bisha Janaayo waxayna qorsheyneysaa inay sii haysato xiddiga reer Uruguay inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Nunez, oo la fahansan yahay inuu qandaraaskiisa lagu burburin karo £ 127.5m (€ 150m), ayaa sidoo kale xiiso ka helaya Chelsea , Manchester United , Atletico Madrid iyo AC Milan .

Xiddiga ay dhalashada wadaagaan ee reer Uruguay Luis Suarez ayaa dhawaan daaha ka qaaday inuu weeraryahanka da’da yar kula taliyay Barcelona intii uu joogay kooxda reer Catalan.

Nunez ayaa dhaliyay 16 gool oo horyaalka ah 32 kulan oo uu u saftay kooxda heerka labaad ee Isbaanishka Almeria, ka hor inta uusan u dhaqaaqin Benfica bishii Sebtember 2020, halkaas oo uu ka helay 20 gool 52 kulan oo uu saftay.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here