Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay isku diyaarinayso in ay dib u soo celiso xiisihii ay u qabtay xiddiga khadka dhexe ee kooxda Tottenham Hotspur Tanguy Ndombele .

Ciyaaryahankii hore ee Lyon ayaa ku dhibtooday inuu si joogto ah u ciyaaro intii uu Jose Mourinho joogay Waqooyiga London sidoo kale wuxuu ku guuldareystay inuu si joogto ah uga mid noqdo qorshayaasha Nuno Espirito Santo .

Ndombele ayaa ku soo bilowday Spurs seddexdii kulan ee ugu danbeysay Premier League – labo ka mid ah waxay ku dhamaadeen guuldaro Chelsea iyo Arsenal – laakiin waxaa weli lala xiriirinayaa inuu u dhaqaaqayo meel kale.

Barcelona ayaa loo saadaalinayay inay u dhaqaaqdo Ndombele suuqii xagaaga, Sport ayaana sheegeysa inay Catalans isku dayi karto inay xiddiga reer France kasoo qaadato Tottenham suuqa kala iibsiga ee Janaayo.

Ronald Koeman ayaa loo maleynayaa inuu doonayo inuu xoojiyo kooxda xilliga jiilaalka, laakiin Real Madrid iyo Manchester United ayaa sidoo kale lagu qiimeeyay inay xiiseynayaan Ndombele bilihii la soo dhaafay.

Ndombele – oo ku faanaya sagaal gool iyo sideed caawimaad 80 kulan oo uu u saftay funaanadda Tottenham – ayaa qandaraas kula jira Lilywhites ilaa xagaaga 2025.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here