Labada kooxood ee Premier League Arsenal iyo Leicester City ayaa lagu soo waramayaa inay isha ku hayaan xiddiga garabka ka ciyaara ee Villarreal Yeremi Pino ka hor inta aysan u dhaqaaqin.

18 jirkaan ayaa loo arkaa inuu yahay mid ka mid ah rajooyinka ugu wanaagsan kubbada cagta Spain ka dib markii uu jabiyay kooxda koowaad ee Yellow Submarine xilli ciyaareedkii hore.

Sida laga soo xigtay Fichajes , kooxo badan oo Premier League ah ayaa haatan isha ku haya Pino, iyadoo Arsenal iyo Leicester ay ka fikirayaan inay u dhaqaaqaan garabka xagaaga soo aadan.

Villarreal wax cadaadis ah laguma hayo inay iska iibiso da’yarkaan, kaasoo u saxiixay heshiis seddex sano ah kooxda La Liga bishii November 2020.

Pino, oo kula guuleystay Europa League kooxda Unai Emery xilli ciyaareedkii hore, ayaa u saftay 46 kulan tartamada oo dhan Villarreal, isagoo dhaliyay sideed gool iyo afar caawin.

Qaab ciyaareedkiisa heerka kooxeed ayaa soo jiitay indhaha tababaraha xulka Spain Luis Enrique , kaasoo da, yarka u dhiibay kulankiisii ​​ugu horeeyay ee caalami kulankii Arbacadii ay 2-1 kaga badiyeen Italy semi-finalka Nations League.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here