Muqdisho (dalkaan)-Bishan October 12-keeda waxaa la filayaa in maxkamadda Cadliga dunida ee ICJ ay ku dhawaaqdo natiijada muran badeedka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, kadib 6 sano oo kiiska uu yaallay Hague.

Inkasta oo guul-darrada aan meesha laga saari karin, hadana qareennada difaacaya badda Soomaaliya ee kala ah Paul Riichler, Prof. Philippe Sands iyo Prof. Alain Pellet ayaa rajo fiican oo gaareysa 99% ka muujiyay guusha kiiskan, taasi oo haddii ay dhacdo noqon doonta guul taariikhi ah oo usoo hoyatay shacabka Soomaaliyeed.

Kiiskan oo 2014-kii ay maxkamadda ICJ geysay dowladda madaxweyne Xasan Sheekh, isla markaana ay lacagtiisa bixisay dowladda Imaaraadka, dad badan oo qareenno iyo shacabna ka qeybgaleen isla markaana soo maray labo heer, Soomaaliyana ay ku guuleysatay heerka hore ee ahaa in maxkamadda ay kiiska qaadi karto halka midkii ugu dambeeyey ee ahaa muranka dhul badeedkana loo madalsan yahay October 12 ayaa waxaa soo baxaya in madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu maalmahan wado dadaallo la xiriira qabashada xaflado waaweyn, iyada oo laga cabsi qabo inuu siyaasadeeyo guusha kiiska badda, isla markaana u badalo olole siyaasadeed.

Xog aan helnay yaa sheegaya in Farmaajo uu khadka telefanka kula hadlay madaxweyneyaal hore, musharaxiin madaxweyne, qaar ka tirsan madaxda maamul goboleedyada iyo mas’uul leh heerar kala duwan isaga oo ku marti-qaaday xaflad faneed uu kusoo aadiyey maalinta lagu dhawaaqayo natiijada kiiska badda ee October 12, 2021.

Farmaajo keliya ma aha inuu damaashaad sameynayo maalintaas, guushana uu keligiis sheegan doono, ee waxaa kale ee laga cabsi qabaa in taageerayaashiisa ay sameeyaan dibad-baxyo ka dhan ah dowladda Kenya iyo shacabkeeda, iyada oo la kicinayo caadifadda shacabka Soomaaliyeed, lana soo celiyo waddaniyadda iyo qabkii lagu doortay 2017-kii.

Inkasta oo su’aalo ka iman doonaan haddii Farmaajo sameeyo qorshahan dabaal-degga iyo sheegashada guusha kiiska badda ee Soomaaliya iyo Kenya, hadana Madaxweynaha hore oo muddo xilkeedkiisa dhamaaday 6 bil kahor,  ayaa hadda waxaa uu raadinayaa olole uu dib ugu soo noqdo, guusha kiiska badda ayuuna u arkaa fursad uu olole.

Haddaba, Halkan Ka Akhriso Sooyaalka Muranka Badda ee Soomaaliya iyo Kenya

May 1972 – Kenya waxay sameysay “Heshiiska Territorial Waters, 1972, No.2” oo ay ku xaddidayey dhul badeedkeed 12 NM.

10 September 1972 – Soomaaliya waxay soo saartay Law No. 37 ee  Territorial Sea, Sharcigani wuxuu ka dhigayaa dhul-badeedka Soomaaliya 200 NM.

17 December 1975—Kenya iyo Tanzania waxay isku raaceen halka uu maro xadka badda dalka (Territorial Sea). Xilligan weli lama aqoonsan EEZ( aaga dhaqaalaha) iyo Qalfoofka Qaaradeedka (Contintal Shelf).

13 January 1977 – Soomaaliya waxay samaysay guddiga badda oo uu madax ka ahaa General Maxamuud Geelle Yuusuf, ayna ka mid ahaayeen khubaro ka kala timid hey’adaha dalka.

1977 KENYA – “Territorial Waters Act, No.2” ayay baddashay, waxayna faahfaafhin ka bixisay xadka dhul-badeedkeeda.

28 February 1979 – Madaxweyne Daniel Arab Moi ayaa “proclamation” ama xeer madaxweyne ku soo saaray Territorial Sea (Dhul Badeedka) iyo Exlcusive Economic Zone(EEZ) oo uu la socdo khariidad.

Proclamionka Qodobkiisa koowaad ee (b) ee la xidhiidha dhanka Soomaliya wuxu qorayey in loolka iyo dhigta dhul-badeedka uu yhaay “eastern latitude south of Diau Damasciace Island being latitude 1’38’ degrees South.”

August 1989: KENYA waxa soo saartay “Maritime Zones Act” ay ku muujineyso “xadka EEZ”.

26 January 1989 – Waxaa dhaqan galay sharciga badda Soomaaliyeed ee Sharci Nambar 5, 26 January 1989. Sharcigani wuxuu dhul badeedka Soomaaliya ka dhigayey 12 NM, kan dhaqaalanah (EEZ), 200 NM. Sharcigan wuxuu bedelay oo buriyey Sharcigii ahaa 1959 Maritime Code iyo Law 37 of 1972.

9 February 1989 – Soomaaliya waxay ansixisay Sharciga Badda ee Qaramada Midoobay.

24 July 1989- Soomaaliya waxay meelmarisay(ratified) sharciga UNCLOS on 24 July 1989.

March 1995 – Kenya waxay u gudbisay Qarmada Midoobay khariidad muujinaysa EEZ-keeda.

9 June 2005 – Presidential Proclamation – Kenya waxay wax ku dhawaaqday xuduuddeeda oo ay ka dhigtay “eastern latitude South of Diua Damascian Island being latitude 1°39’34” degrees south.”

September 2005. Soomaaliya iyo Kenya waxay kala saxiixdeen heshiis iskaashi oo dhameystiran oo loogu magac daray Joint Commission for Co-operation (JCC). Heshiiskan weli lama shaacin qodobada uu ka kooban yahay laakiin waxa ka mida meelaha uu taabanayo socdaalka, ganacsiga, dhaqanka, nabadgelyada iyo waxbarashada.

October 2008 – Walad Cabdale ayaa bilaabay in la guda galo diyaarinta xogta Soomaalidu ay kula kulmi laheyd macluumaadka ay tahay in Soomaaliya in ay u gudbiso QM ka hore 13 MAY 2009.

10 March 2009 – Waxa Nayroobi lagula shiray Wasiirka Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda, anhna Ra’iisal Wasaare Ku-xigeen, Cabdirahamaan Aadan Ibraahim (Ibbi) oo loo sheegay hawsha ay waddo Norway.

12 March 2009 – Golaha Wasiirada ayaa ansixiyey macluumaadka ay Norway diyaarisey iyagoo aqbalay in loo gudbiyo Qaramada Midoobay.

7 April 2009 – Somaliya iyo Kenya waxay ku kala saxiixdeen MOU(heshiis), magaalada Nairobi. Heshiiskaas waxaa Soomaaliya u saxiixsay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, wuxuuna dhaqan galay 7 April 2009. Nuxurka MOU-gu waa 1- in muran badeed saamaynaya (Continental Shelf and Beyond) uu ka dhexjiro labada dal; 2) in ay isla oggolaadaan labada dal in Commission-ka uu eego xogtooda; 3) in ay labada dal ka wada hadli doonaan xuduud badeedka ay ku muransan yihiin marka uu commission-ku go’aanka gaaro kadib; iyo in isfahamku (MOU) uu dhaqan geleyo maalinta la saxiixay

11 June 2009 – Kenya waxay heshiiska MOUga uga diiwaan galisay Qaramada Midoobay inuu yahay heshiis caalami ah. MOU-ga waxaa lagu faafiyey buugga lagu daabaco heshiisyada caalamiga

1 August 2009 – Baarlamaanka Soomaaliya ayaa diiday heshiiska MOU ee Soomaaliya iyo Kenya wada-galeen. Waxaa goobjoog ahaa 347 xildhibaan. Waxaa diiday heshiiskii MOUd 334 xildhibaan. Sagaal xildhibaan in gudi loo saaro ayay soo jeediyeen halka afar xildhibaan waxay dalbadeen in dib loo dhigo.

10 October 2009 – RW Cumar Cabdirashiid wuxuu warqad u diray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay. Wuxuuna ogeysiiyay go’aanka diidmada baarlamaanka Soomaaliya, sidoo kale wuxuu ku caddeeyey warqada in MOU-ga aan la isticmaali Karin.

8 October 2011 – Baarlamaanka Soomaaliya wuxuu soo saaray Xeer lagu magacaabay Dhaxal-Dhawr. Xeerkaas waxaa baarlamaanku ka mamnuucay xukuumadda inay gasho heshiisyo ku saabsan arrinka badda. Baarlamaanku waxay mar kale ku celiyeen in Xeer Lam 5 uu yahay Sharciga Rasmiga ah ee Badda Soomaaliya.

30 June 2014 – Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud wuxu shaaciyey (Proclamation) sharci baddeedkii Law No.11 February 1989; Decree No.14 February 9, 1989; Law No. 5, 26 January 1989. Sharcigaa wuxuu madaxweyne Xassan ku caddeeyey in EEZ-ka  ama aagga dhaqaalaha Soomaaliya yahay 200 NM.

Kadib, wada hadal saddex weji ahaa oo socon waayey, 28 August 2014 Soomaaliya waxay u gudbisay dacwad la xiriirta muranka xuduud-badeedka ka dhexeeya labada dal Maxkamadda Caalamiga ah. Soomaaliya waxay ka codsatay maxkamadda in ay dhammaan eegto (1). Dhul badeedla, (2). Aaga dhaqaalaha) iyo (3). Qalfoofka Qaaradeedka.

7 October 2015 – Kenya waxay u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee ICJ qoraal ay ku doodayso inaysan maxkamaddu xaq u lahayn inay eegto muranbadeedka ka dhexeeya iyada iyo Soomaaliya. Waxay Kenya ku doodday in labada dal ay galeen heshiis caalami ah (MOU-ga). Heshiiskaas ayaa caddaynaya habka loo abbaarayo xallinta muran-badeedka ayay sheegtay. Maxkamadda Caalamigu markay heshay qoraalkaa Kenya waa ay hakisay dacwadda ilaa inta Soomaaliya jawaabteeda la helayo, waxaa la is dhaafsaday jawaabo.

2, February 2017:– Maxkamadda Cadaaladda ee Qaramada Midoobay ayaa go’aan ku gaartay inay dhageysan karto dacwadda ku saabsan muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Xaakimiinta Maxkamadda ayaa u codeeyay kiiska ka dib markii ay ka hadleen sharci ahaanta doodda Soomaaliya iyo diidmada Kenya.

Inkasta oo dhageysiga dacwadda ay in ka badan 4 jeer dib u dhacday, hadana doodo dheer kadib, October 12, 2021-ka ayaa loo fadhiyaa go’aanka kama dambeyska ah.

W/D: Cabdi Caziz Gurbiye,
E-mail: gurbiyeshow@gmail.com


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here