Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Liverpool ayaa ka mid ah kooxaha ka fekeraya inay u dhaqaaqaan weeraryahanka Fiorentina Dusan Vlahovic, sida ay sheegtay Corriere dello Sport.

Ferran Torres ayaa ka hadlay wararka soo jeedinaya in Manchester City ay u oggolaan karto inuu amaah ugu biiro Barcelona bisha Janaayo, iyadoo xiddiga reer Spain uu tilmaamay “had iyo jeer inay jiraan warar xan ah”. Goal

Manchester City ayaa, iska diiday dalab £ 8 milyan ah ($ 11m) oo ay Brighton ku dalbatay da ‘yarka kartida badan ee James McAtee. sida laga soo xigtay The Athletic , 

Erling Haaland ayaanan saxiixidoonin qandaraas cusub oo Borussia Dortmund ah xidigan ayaana doonaya in uu hal xili ciyaareed ku qaato kooxda sida ay qortay AS .

kooxda Manchester United ayaa mar kale qorsheeneysa in Xidiga Donny van de Beek ka hor istaagto ku biirista kooxaha kale bisha Janaayo sida ay ku warameyso ESPN

Philippe Coutinho ayaa ku biiri kara Newcastle bisha Janaayo. Kooxda ka dhisan Premier League ayaa waxaa iibsaday boqortooyada Sacuudi Carabiya toddobaadkan, Sport

Ainsley Maitland-Niles iyo Mohammed Elneny ayaa ka tagaya kooxda Arsenal sababo la xiriira inaysan helin waqti ay ku ciyaaraan, The Sun .

Manchester United ayaa ka fiirsaneysa inay buriso heshiiskii amaahda ahaa ee Facundo Pellistri uu kula jiray Deportivo Alaves, sida ay xaqiijisay Goal. 

Lazio ayaa kala saxiixatay Ciro Immobile iyo Francesco Acerbi heshiisyo cusub,  Calciomercato.

Juventus ayaa isku dayi doonta inay iska iibiso Aaron Ramsey bisha Janaayo, sida laga soo xigtay  Calciomercato .

Barcelona waxaa ka go’an inay bisha January la soo saxiixato xiddig cusub oo khadka dhexe ah Kooxda reer Spain ayaa seegtay Georginio Wijnaldum xagaagii hore waxayna go’aansadeen inay Ilaix Moriba ka iibiyaan RB Leipzig kadib markii uu diiday inuu sameeyo heshiis cusub. Sport

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here