Maamulka horyaalka Premier League ayaa ku dhawaaqay guuleystaha abaalmarinta xiddigii horyaalka ugu fiicnaa bishii September waxaana hantay saxeexa cusub ee kooxda Manchester United ee Cristiano Ronaldo.

Ronaldo ayaa saddex gool usoo dhaliyay Man United bishaas saddex kulan oo uu u ciyaaray kaddib markii uu kaga soo biiray dhinaca Juventus.

Waa markii shanaad ee uu Cristiano ku guuleysanayo abaalmarinta xiddiga bisha ee Premier League isaga oo afar jeer hore usoo qaaday wakhtigiisii hore ee Manchester United.

In mudo 13 sano ahi u dhaxayso laba abaalmarinood oo xiddiga bisha ah oo uu hal ciyaaryahan ku wada guuleystay ayaa noqonaysa mudadii ugu dheerayd ee uu ciyaaryahan sidaas sameeyo taariikhda horyaalka.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here