Photo@Reuters

Paris Saint-Germain ayaa tixgalineysa suurtogalnimada ay kula soo saxiixan karto weeraryahanka Mohamed Salah xagaagan.

Mustaqbalka xidiga Masaarida ee Anfield ayaa si weyn looga dooday toddobaadyadii la soo dhaafay iyadoo Reds aysan weli u kordhin qandaraaskiisa haatan oo dhacaya 2023.

PSG ayaa suuqa ka raadin lahayd weeraryahan cusub xagaaga haddii Kylian Mbappe uu ka tago si uu ugu biiro Real Madrid.

Isagoo ka hadlaya Rio Ferdinand Presents FIVE , saxafi Fabrizio Romano ayaa yiri: “Paris Saint-Germain waxay fiirineysay suurtagalnimadaan [saxiixa Salah] horaantii xagaagan, haddii ay fursad u heli lahaayeen inay Mbappe ka iibiyaan Real Madrid, waxay diyaar u ahaayeen inay sameeyaan wax weyn. waxayna doonayeen inay isku dayaan Mo Salah. ”

Si kastaba ha ahaatee, Romano ayaa intaas ku daray in Liverpool aysan doonaynin inay iibiso Salah, isla markaana weli heshiis cusub ka saxiixeyso 29 jirka.

Tan iyo markii uu Anfield ka yimid Roma sanadkii 2017, Salah wuxuu dhaliyay 134 gool 212 kulan oo uu u saftay kooxda ka dhisan Merseyside.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here