Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Chelsea N’Golo Kante ayaa ku soo laabtay tababarka ka dib markii uu muddo go’doonsanaa.

30 jirkaan ayaa laga helay Covid-19 bishii hore, taasoo la micno ah inuu seegay kulankii Champions League ee Juventus iyo kulankii Southampton ee Premier League.

Sidaas darteed, Kante ayaan sidoo kale lagu darin xulka France ee kulamadooda Nations League bishaan.

Chelsea ayaa maanta bayaan ay soo saartay waxay ku qortay : “N’Golo Kante wuxuu ku soo laabtay tababarka ka dib dhibaatadiisa Covid-19.

“Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer France waxaa laga helay Covid ka hor safarkayaga Champions League ee Juventus laakiin ka dib markii uu dhammaystay muddadii uu go’doonsanaa, hadda way cadahay inuu dib u bilaabo tababarka.

“Kante wuxuu tababar ku qaatay meel ka baxsan kooxda weyn maanta, isagoo ka shaqeynaya taam ahaanshihiisa dhowr dhoolatus oo shaqsi ah, iyadoo ujeedadu tahay in dib loogu soo celiyo kooxda.”

Kante, oo sidoo kale la dhibtoonayay dhaawac gumaarka horaantii xilli ciyaareedkaan, ayaa hada ku taamey inuu taam ahaado oo uu diyaar u noqdo safarka Chelsea ee Brentford marka Premier League uu soo laabto 16ka Oktoobar.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here