Manchester City ayaa uga digtay kooxaha ay xafiiltamaan in Raheem Sterling uusan iib ahayn, sida lagu sheegay warbixinta ugu danbeesay ee Kooxda.

Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ayaa qandaraaskiisa haatan ee Etihad Stadium wuxuu dhacayaa 2023, laakiin wadahadalada heshiis cusub ayaa la hakiyay bilihii la soo dhaafay.

Tani ayaa keentay wararka xanta ah ee la xiriirinaya Sterling inuu ka tagayo kooxda heysata horyaalka Premier League, iyadoo Barcelona la sheegay inay xiiseyneyso saxiixiisa bisha Janaayo.

Si kastaba ha ahaatee, The Sun ayaa sheegeysa in Pep Guardiola uusan dooneyn inuu fasaxo xiddiga heerka caalami ee dalka England maadaama uu yahay xubin qiime leh oo kooxda ka tirsan.

Warbixinta ayaa intaas ku dartay in Sterling uu sugayo inta uu la egyahay waqtiga uu helayo xilli ciyaareedkan ka hor inta uusan dib u bilaabin wadahadalada qandaraaska.

26 jirkaan ayaa ku sugnaa Man City tan iyo 2015, isagoo saftay in ka badan 300 kulan, waxaana uu ku guuleystay seddex horyaal oo Premier League ah intii uu joogay kooxda.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here