Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay doonayso inay Anfield keento xiddiga khadka dhexe ee kooxda Barcelona ee Gavi .

17 jirkaan ayaa noqday ciyaaryahankii ugu da’da yaraa ee Spain abid markii uu ka soo muuqday La Roja kulankii Italy ee UEFA Nations League habeenkii arbacada.

Gavi ayaa todobo jeer u saftay Barcelona intii lagu jiray ololihii 2021-22, laakiin heshiiska da’yarka ee Camp Nou ayaa dhici doona bisha June 2023, taasoo la micno ah in mustaqbalkiisu uusan ahayn mid sugan.

Sida laga soo xigtay El Nacional , Liverpool ayaa aad ula dhacsan xiddiga reer Spain waxayna diyaar u tahay inay sahamiso suurtogalnimada ay ugu dhaqaaqi karto suuqa kala iibsiga xagaaga soo aadan.

Warbixinta ayaa sheegeysa in Barcelona ay si aad ah isugu dayeyso inay heshiis cusub ka saxiixato da ’yarka, laakiin dhibaatooyinka dhaqaale ee kooxda ayaa dhaawici kara awoodooda inay ku sii hayaan.

Gavi, oo la rumeysan yahay in qandaraaskiisa haatan lagu burburin karo € 50m (£ 42.4m), ayaa ka soo muuqday Bayern Munich iyo Benfica Champions League xilli ciyaareedkan.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here