Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa war cusub ka helay kiiskii kufsiga ee sannadkii 2009 uu kula kacay gabadha Maraykanka ah ee Kathryn Mayorga, kaas oo dib loo bilaabay laba  sannadood ka hor.

Ronaldo ayaa isaga oo qayb ka ah Manchester United sannadkii 12 sannadood kahor, waxa uu u safray waddanka Maraykanka oo ay ku kulmeen Kathryn Mayorga xilli ay ku sugnaayeen hotel lagu caweeyo, waxaanay cabbaar kadib tageen qol ku yaallay isla hotelka, halkaas oo ay gabadhani ku eedaysay Ronaldo inuu faro xumeeyey.

Waxa uu laacibkani xilligaas bixiyey lacag uu gabadhan siiyey oo uu kula heshiiyey in arrinta la daboolo oo aanay dibedda  usoo bixin isla markaana aanay wax dacwad ah ka gudbin, laakiin sannadkii 2018 ayay Kathryn Mayorga maxkamadda u gudbisay dacwad ay ku doodayso in Ronaldo uu kufsaday.

sidoo kale in xabsiga loo taxaabo laacibkan, taas oo halis ku keentay laacibkan.

Si kastaba, Cristiano Ronaldo ayaa hadda helay war farxadleh oo sheegaya in maxkamadda  Las Vegas ay laalayso gebi ahaanba kiiskan, sidaas na ay ku burayso dacwaddii ay Kathryn Mayorga kusoo oogtay.

“Waxa aanu ku faraxsanahay faahfaahinta maxkamadda ee dibu-eegista arrintan iyo in meesha laga saaro kiiskan madaniga ah ee Mr. Ronaldo” Sidaas  waxa yidhi qareenka Cristiano Ronaldo oo warbaahinta la hadlay.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here